Madaxwaynihii hore ee Brazil oo loo xiray musuq-maasuq

Image

BRASÍLIA, Brazil - Madaxwaynihii hore ee Brazil, Michel Temer ayaa la xiray maanta oo Khamiis ah, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee wadankaasi.

Xariga Michel Temer ayaa lagu waramayaa in uu qayb ka yahay baaritaan balaaran oo ka dhan ah musuq-maasuqa oo ka socda dalkaasi.

Jaraa’idka kasoo baxa Brazil ayaa sheegaya in Booliska uu u gaarsanayay Temer, kaasi oo xafiiska baneeyay 1-dii Janaayo, tan iyo Arbacadii.

Mr Temer ayaa u sheegay wariyaasha mar sii horeysay in uu sameeyay wax qalad ah, oo ka dhigan in aanu dambi gelin.

Tobanaan siyaasiyiin ah iyo ganacsato ayaa lagu soo oogay dacwad ku aadan wax is-dabamarin oo qayb ka ah howlgalka loogu magac daray "Operation Car Wash."

Mr Temer oo talada la wareegay bishii Agoosto ee sanadkii 2016-kii markii xilka laga qaaday Dilma Rousseff ayaa waxaa bishii Janaayo badalay Jair Bolsonaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM