Madaxweynaha China oo ku baaqay dagaal ka dhan ah fayrus-ka Corona

Image

BEJING, China - Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku dhawaaqay in dadka ay qaadaan dagaal ka dhan ah xanuunka Fayrus-ka Corona, kaas oo dhimashada uu dhaliyay ay sii kordheyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Wakaalada wararka dawlada Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganaysa hogaamiyaha dalkaasi ayaa tiri "Waddanka oo dhan ayaa awooddooda kaga falceliyay si ay uga jawaabaan si guud iyo in laga hortago lana qaado talaabooyin lagu xakamaynayo, iyadoo laga billaabayo in lala dagaalamo inuu dadka ku dhex faafo."

Ku dhawaaqista madaxweynaha ee dagaalka dadka ay la galayaan Fayrus-ka Corona, ayaa imaanaysa xilli mas’uuliyiinta caafimaadka gobolka Hubei ee uu ka dillaacay xanuunka ay sheegeen in 69 qof ay dhinteen Jimcada maanta ah, taasi oo tirada dhimashada ka dhigaysa 600 ruux intii xanuunka soo billowday bishii December ee sanadkii hore.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa soo wariyay in la diiwaan geliyey 2,500 oo kiisas cusub, taas oo gaarsiinaysa 30,000 qof dadka la il-daran Fayrus-ka Corona.

Ilaa 150 kiis oo Fayruska ah ayaa laga xaqiijiyay 23 dal oo caalamka ah oo ku jiro dhimashada hal qof oo u dhashay Shiinaha, kaasoo oo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee meel ka baxsan dalka Shiinaha ugu dhinta Fayrus-ka Corona.

GO + VOA

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM