Madaxweyne shaaciyey in xaaladiisa caafimaad aysan taam ahayn

Image

MANILA, Philippine – Madaxweynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte, ayaa wuxuu si cad u qiray in xaaladiisa caafimaad aysan "taam ahayn". Tani waxay timid xili 74-sano jirkaan aysan arkin dadweynaha.

Duterte ayaa soo gaabiyey safar uu bishii hore ku tegay Japan markii uu lasoo darsay xanuun "aan laga soo qaban karin" oo laf-dhabarta ah kadib shil mooto. Dhacdadaas kadib laba isbuuc ma hadlin.

Shilka ayaa yimid tobban maalmood kadib markii horaantii October uu shaaca ka qaadey in uu wajahayo murqe xanuun isla markaana awoodiisa jir ahaaneed ay hoos u sii dhaceyso maalinba tan xigta.

"Hadii aad i waydiiso 'caafimaadkaaga ma wanaagsan yahay? Dabcan mahan sidaas," ayuu Jimcadii u sheegay TV-ga GMA oo wareysi gaar ah uu siiyey.

Wuxuu raaciyey: "Maadaama aan duqoobay, dhamaan kala goosyadeyda waa ay daciifeen….caafimaad-daradeyda waa ay sii kordheysaan, halka nolosheyduna tahay mid bilowday in ay la jaan-qaado".

Rodrigo Duterte oo loolan kula jiray Mareykanka ayaa horey waxaa looga soo wariyey xanuuno ay kamid yihiin madax wareer iyo maqaarka oo adkaada, oo ah xanuun uu sababo sigaar cabida.

Dastuurka Philippine, oo dal dhaca Aasiya, ayaa wuxuu xeerinayaa in kaliya uu madaxweyne xilka ku wareejin karo ku xigeenkiisa hadii ay lasoo darasnaa saddexaad xaaladood; tabar darri, is-casilaad iyo geeri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM