Madaxweyne ku xigeen la xaqiijiyey in laga helay Coronavirus

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweyne ku xigeenka Iiraan, Eshaq Jahangiri, ayaa lagu waramay in Arbacadii laga helay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Wakaaladda wararka Fars ayaa ku warantay in Jahangiri uu ku biirayo liiska mas'uuliyiin kale oo cudurkaas uu ku dhacay.

Wasiirka Dhaqanka iyo Hidaha, Ali Asghar Mounesan, iyo, Reza Salehi Amiri, madaxweynaha xiriirka kubadda dalkaas ayaa kamid ah.

Tirro Xildhibaano ah iyo wasiir ku xigeenka caafimaadka, ayaa qeyb ka ah mas'uuliyiinta kale ee liiskaas kasoo muuqdey.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyey in tiradda dadka uu xanuunkaas ku dilay Iiraan ay haatan mareyso 354 ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin.

Sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka, 63 kamid ah dadkaas waxay ku geeriyoodeen muddo 24-saac gudahooda ah. Guud ahaan, dadka ku nool Iran ee caabuqa laga helay waxay gaareysaa sagaal kun.

Caabuqa oo bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay 2019 kasoo bilowday Wuhan oo ka tirsan Shiinaha ayaa ku faafay in ka badan boqol dal, sidda ay sheegtay Hay'adda Caafimaadka Aduunka.

Guud ahaan caalamka, tiradda geerida uu sababay waxay gaareysaa ku dhowaad shan kun oo ruux, iyaddoo la diiwaan-geliyey kiisas gaaraya 118-kun. WHO waxay xaqiijisay in Coronavirus uu yahay cudur degdeg ku faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM