Madaxweynihii dalka Bolivia oo is-casilay kadib mudaaharaadyo

Image

SUCRE, Bolivia – Madaxweynihii dalka Bolivia, ee dhaca koonfurta qaaradda Ameerika, ayaa xilka iska casilay kadib 14-sano oo uu xafiiska joogay.

Is-casilaadda ayaa waxay ka dambeysay markii waddankaas ay la dageen qalalaaso iyo jahwareer ka dhashay dib u doorashadiisa bishii hore.

Taliyaha ugu sareeya ciidamadda dalkaas ayaa ku tartarsiiyay in uu xukunka dego markii mudaaharaadyo waaweyn ay ka qarxeen guud ahaan dalka.

Hantidhowraha guud ayaa baaritaan ku ogaaday in coddeyntu ka jirtay isla sinaansiyo la’aan, balse Mr Morales wuxuu isku qeexay "dhibane afgembi".

Evo Morales ayaa sidoo kale tilmaamay in uu isku casilay si uu u badbaadiyo qoyskiisa xulafada kula ah siyaasada markii dab la qabad siiyey hoygooda.

Banaanbaxayaasha ayuu ku tartarsiiyey in ay joojiyaan "weerarka ay ku hayaan wiilashooda iyo gabdhahooda, ka joojiya weerarka iyo gubitaanka".

Dibadbaxayaasha iyo hogaamiyeyaal ayaa soo dhaweeyay is-casilaadda, iyaga oo ku qeexay "bog cusub oo u furmay dimoqraadiyadda waddankooda".

Waa kuma Evo Morales?

Madaxweynihii ugu horeeyay ee asal ahaan kasoo jeeda Bolivia ayaa xukunka hayey tan iyo sanadka markii uu ahaa 2006-dii.

Bishii lasoo dhaafay ee October ayuu xafiiska u tartamay markii afaraad. Muran ayaase hareeyay go’aankiisa markii isku dayey in uu Dastuurka wax ka bedelo.

Afti la sameeyay sanadkii 2016-kii, dadka waddankaas ayaa "maya" ugu codeeyay in la xadido tiradda uu madaxweynaha xafiiska joogi doono.

Sikastaba ha ahaatee, xisbiga Mr Evo Morales ayaa qadiyadda waxa uu geeyay Maxkamadda Dastuuriga, taasoo gaashaanka ku dhufatay dalabkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM