Madaxweynihii hore ee Masar oo maxkamad ku dhex-geeriyooday

Image

QAAHIRA, Masar - Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi, ayaa ku dhex-geeriyooday fadhi ay ka socotay maxkamadeyntiisa, maanta oo Talaado ah.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa waxay ku warameysa in Mursi uu ku dhex-suuxay gudaha maxkamadda isla markaana daqiiqado kadib la xaqiijiyey in uu dhintay.

Mursi ayaa waxaa sanadkii 2013-kii xukunka ka afgambiyey hogaamiyaha waqti xaadirkan ee Masar Cabdul Fataax Al-Sisi, kaasi oo ahaa taliyaha ciidamadda.

Wargeyska Egypt Today ayaa tabinaya in kahor inta uusan dhulka ku dhicin Mursi uu codsaday in uu hadlo isla markaana xeer-beegtada u ogolaatay.

Warbaahinta dowladda gaar ahaan Telafishinka oo baahisay warka geerida Mursi ayaa nan soo bandhigin sawirada iyo qaabka uu u geeriyooday Mursi.

Mursi ayaa waxa uu kamid ahaa xubnaha ugu cad-cad ee Ururka Walaalaha Muslimiinta kaasi oo gudaha dalkaasi Masar mamnuuca ka ah loogana aqoonsan yahay "argagixiso".

Maxkamad ayaa todoba sano oo xabsi ah ugu xukuntay in uu ka been-sheegay waraaqihiisa araajida ee doorashadii 2012-kii.

Sanadkii 2012-kii ayuu madaxweyne noqday balse waxaa galaaftay banaanbaxyo xoogan, bishii Julaayo 2013-kii, taasoo qasabtay in milatariga uu talaabo qaado.

Intaasi kadib, waxaa lagu soo oogey dacwado kala duwan oo ay kamid yihiin; baqdin gelin, khaarijinta dibad-baxeyaal, xabsi ka baxsasho iyo in uu aflagaadeeyay garsoorka.

Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha aduunka oo uu kamid yahay madaxweynaha Turkiga, Racep Tayib Ardogan oo ay xulufo ahaayeen Mursi ayaa ka tacsiyeey geerida, wuxuuna sheegay in uu murugada la wadaagayo reerka uu ka baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM