Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf oo dil lagu xukumay

Image

ISLAMABAD - Maxkamadda gaar ah oo ku taalla Pakistan, ayaa maanta oo Talaado ah xukun dil ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Pervez Musharraf oo lagu eedeeyay "qiyaanno-qaran".

Kiiska qiyaannada-qaran ee ka dhanka ah Musharraf ayaa billowday 2014, iyadoo lagu haysto inuu xalaad degdeg ah geliyay Pakistan November 3, 2007.

Musharraf, oo hadda dibad-joog ku ah magaaladda Dubai ee wadanka Imaaraadka ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Hogaamiyahan oo gacan-bir ah kusoo maamulay Pakistan intii u dhaxeysay 2001 illaa 2008, ayaa laalay dastuurka dalkiisa 2007, isagoo xabsiga dhigay siyaasiyiin sare iyo qareenno.

Musharraf ayaa awoodda kula wareegay afgembi militeriga 1999, isagoo labo sano kadib dalkan ku yaalla Koonfurta Asia ka noqday Madaxweyne, wuxuuna xilkaasi hayay 8 sano.

Wuxuu xukunka ka degay 2008 kadib markii xisbigiisa looga adkaadey doorasho guud oo ka dhacday Pakistan.

Musharraf, oo 76 jir ah ayaa ku dhashay magaaladda New Delhi 1943, afar sano kahor inta aysan Pakistan ka go'in India.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM