Magaca ninka dilalka ugu badan ka geystay Mareykanka oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee loosoo gaabiyo FBI ayaa Talaadada maanta ah xaqiijisay in gacan ku dhiigle xiran uu qirtay in muddo afar iyo toban sano gudahooda ah uu ku dilay 93 qof.

Tani ayaa Samuel Little waxay ka dhigeysaa in uu yahay dilaaga ugu badan ee guud ahaan taariikhda wadankaas.

Booliska ayaa sheegaya in 79 illaa iyo 50 kiis oo ninka uu ku lug-yeeshay intii u dhaxeysay 1970 illaa iyo 2005-tii. Sideed kamid ah falalkaas oo uu qirtay xukun xabsi garka loogu geliyay.

Xukun xabsi daa'in oo garka loo geliyo tan iyo 2012-kii kadib dilka saddex haween ah ayuu waqti xaadirkan u xiran yahay.

Mas'uuliyiinta ayaa xusay in Little uu beegsaday "dad qiimo badan" oo badankood ah haween Afrikaan ah kana ganacsada maandooriyaha, wallow aan la ogayn waxa ku kalifay in uu khaarijiyo.

Little, oo feeryahan ahaa, ayaa kiisaska qaarkood oo uu ku yeeshay waxaa la waayey meydadkooda, taasi oo meesha ka saartay baaritaan iyo dabagal lagu sameeyo si cadaalada uu u wajaho.

War-saxafaadeed kasoo baxay FIB ayaa waxaa lagu bidhaamiyey in "dhamaan gal-dacwadeedyadda lagu soo oogay shaqsigan ay yihiin kuwa uu qirtay isla markaana loo hayo caddeymo buuxda".

Sanadkii 2012-kii ayuu gacanta hay’addaha ammaanka soo galay isaga oo loo haysto ka ganacsiga maandooriyeyaha. Baaritaano kadib waxaa lagu hayo dilal, dhac-hubeysan iyo kufsi uu ka geystay meel badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM