Maraakiib kuwa Saliida qaada ah oo lagu weerarey gacanka Cumaan

Image

TEHRAN, Iiraan - Xayn kamid ah Shaqaalaha labo markab oo ah kuwa Saliida qaada ayaa la samata-bixiyey kadib markii qarax ku haleeley gacanka Cumaan, maanta oo Khamiis ah.

Dalka Iiraan ayaa sheegey in 21 kamid ah Shaqaalaha Markab, oo la yiraahdo Kokuka Courageous and 23 Ftont Altair, ay samata-bixyeen inkastoo Mareykanku tibaaxay in ciidankooda ay badbaadiyeen qayb kamid ah badmaaxiintaan.

Sababta qaraxa ka dhacey mid kamid ah marinada ugu mashquulsan caalamka ayaan la aqoon xili labada Markab ay weli kor heehaabayaan gudaha badda. 

Sarakiil ka tirsan dowladda Iiraan ayaa laga soo xigtay: "Dalka Iiraan wax xiriir ah lama laha shilkaan".

“Dad ayaa isku dayaya in xasilooni daro ku sameeyo xiriirka ay Iiraan la leeyahay caalamka,” ayuu sarkaal sare oo tirsan wadankaas raaciyey hadalkiisa.

Weerarkaan ayaa yimid bil kadib markii afar Markab oo ah kuwa qaada Saliida cayriinka lagu xirey qaraxyo iyagoo taagan dakad ku taal dalka Imaaraadka Carabta. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM