Mareykanka iyo Imaaraadka oo yeelanaya iskaashi dhanka difaaca ah

Image

WASHINGTONG, US – Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay dhaqan-gelinta heshisi cusub oo dhanka gaashaandhiga ah.

Fahfaahinta waxay ku heshiiyeen wali saxaafada looma soo bandhigin, balse waxaa wadashaqeyn dhanka milatariga ah.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili John Bolton, lataliyaha dhanka amaanka ee Donald Trump, uu waddankaasi ku sugan yahay.

Bolton ayaa isaga oo ku sugan Abu Dubai waxa uu Iiraan ku eedeeyay weerarkii Maraakiibta ee ka dhacay xeebaha Imaaraadka.

Masuulkaan ayaa madaxda dalkaasi Carbeed sidoo kale kala hadlay dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada ah.

Axadiga cusub ayaa imaanaya iyadda oo gobolka ay ka jirto xifaaltan siyaasadeed iyo mid milatari oo u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka.

Shir looga arrinsanayo xaaladaha kasoo kordhay gobolka uuna ka qaybgalayo madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo ayaana Sacuudiga ka dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM