Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo u abaabulaya shir saddexaad

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi "daaha gedaashiisa" ayay uga kawada hadlayaan suurtogalnimada shir saddexaad, sida laga soo xigtay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae.

Warkaasi waxaa Arbacadii baahisay warbaahinta dibada la hadasha ee waddankaasi oo soo xiganaya wakaalada wararka u faafisa dalka dhaca Koonfurta Aasiya ee Yonhap.

Madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiye Kim Jong Un ayaa bishii June ku kulmay Singapore kahor inta aysan bishii Febraayo isku arag mar kale caasimada wadanka Vietnam ee Hanoi.

Balse waxay ku fashilmeen ay heshiis ka gaaraan Nuk-liyeer ka dhigista Kuuriyadda Waqooyi iyo yareenta cunaqabeynta.

Moon ayaa tilmaamay in wada xaajoodka ay ku dhacayaan iyadda oo loo marinayo "kanaalo ku haboon" labada Kuuriya.

"Aniga waxaan aaminsanahay in gudoomiye Kim ay ka go’an tahay Nuk-liyeer ka dhigista," ayuu Moon daba dhigay hadalkiisa.

Sikastaba, hadaladan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Trump uu qorsheynayo in uu Moon la kulmo Axada soo aadan si uu kala arrin-sado qadiyada ku saabsan muranka Nuk-liyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM