Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Image

WASHINGTON/RIYADH – Ciidamada Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa Talaadadii dambe duqeymo cirka ah ka fuliyay bariga Ciraaq, iyagoo bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan oo Iran ay taageerto, sida uu sheegay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM).

CENTCOM ayaa sheegtay in howlgalka uu lagu beegsaday goobo ay ku kaydsan yihiin hub iyo xarumo saadka u qaabilsan kooxo ay ku tilmaantay argagixiso, kuwaas oo ku yaalla bariga Ciraaq.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Mareykanka uu sheegay in kooxo ay Iran taageerto ay maalmihii lasoo dhaafay weerarro drone ah ku qaadeen ciidamada Mareykanka iyo xarumaha tamarta ee Sacuudiga.

Howlgalkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu jiray hakad shan maalmood ah oo ku yimid weerarradii Mareykanka uu ka waday Iran, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu doonayo in diblomaasiyadda fursad la siiyo. Lama oga goorta ama haddii ay dib u bilaaban doonaan weerarrada Mareykanka ee Iran.

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay ka qeyb qaateen "duqeymo sax ah oo bartilmaameedyo gaar ah lagu qaaday", iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay is-difaac.

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay, 32 kalena lagu dhaawacay duqeymaha. Kooxdu waxay sheegtay in xarunteeda ku taalla Baqdaad iyo lix goobood oo kale la beegsaday.

CENTCOM ayaa sheegtay in duqeymaha ay jawaab u ahaayeen in ka badan 30 isku day oo weerarro drone ah oo lagu bartilmaameedsaday ciidamada Mareykanka iyo xarumaha tamarta Sacuudiga saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Taliska ayaa sheegay in weerarrada lagu qaaday ciidamada Mareykanka aysan waxyeello weyn geysan.

Sacuudiga ayaa sheegay inuu soo riday diyaarado drone ah oo laga soo tuuray Ciraaq, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumaha shidaalka ee magaalada Riyadh iyo bariga dalka.

Inkastoo Mareykanka iyo Sacuudiga aysan magacaabin kooxaha la beegsaday, haddana Iran ayaa taageerta dhowr maleeshiyaad Shiico ah oo ku sugan Ciraaq, kuwaas oo horey weerarro gantaallo ah ugu qaaday ciidamada Mareykanka. Qaar ka mid ah kooxahaas, sida Kata'ib Hezbollah, ayaa Mareykanku ku daray liiska ururrada argagixisada shisheeye.

CENTCOM ayaa sidoo kale ku eedeysay Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) inay hagayeen weerarrada lagu qaaday danaha Mareykanka iyo Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM

Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah.

  • Caalamka

    22-09-2026

  • 08:41PM