Mareykanka iyo Taliban oo kala saxiixdey heshiis nabadeed

Image

DOOXA, Qatar – Mas'uuliyiinta Mareykanka iyo wakiilo ka socday kooxda Taliban ayaa kala saxiixdey heshiis kama dambeys ah oo nabadeed kadib wada-xaajoodyo bilooyin qaatay oo ay ku yeesheen caasimadda Qadar.

Heshiiska, oo fahfaahin kooban laga bixiyey, ayaa soo gabagabeynaya colaad muddo 18-sano ah ka oogneyd Afghanistan.

Saxiixa heshiiska ee ku qabsoomay Dooxa oo goobjoog ka ahaa hogaamiyeyaasha Pakistan, India, Indonesia, Uzbekistan and Tajikistan ayaa faraya Mareykanka in uu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan.

Dhinacyadda ayaa isku maandhaafay dalab ka yimid Washington oo ahaa xabad joojin, kahor inta aan la saxiixin heshiiska.

Saacadihii hore ee Sabtida maanta ah, Taliban ayaa amartay dagaalameyaasheeda inay ka fogaadaan weeraro, joojiyaanna dagaalka.

Mohammed Naeem, wakiilka Taliban ee magaalada Dooxa, ayaa ku qeexay heshiiska talaabo muujineysa "horey u socod".

"Iyaddoo heshiiska uu yimid, macnacheedu waa dagaalka Afghanistan oo lasoo afmeeray," ayuu u sheegay Telefishinka Al-Jazeera.

Bixitaanka ciidamada

Daqiiqado kahor saxiixa, Mareykanka iyo dowladda Afghanistan oo qoraal wadajir ah soo saarey ayaa daaha ka rogay in cutubyada NATO iyo Mareykanka ay ku hayaami doonan 14-bilood gudaheeda.

Ku dhowaad 14-kun oo ciidamo Ameerikaan ah, 17-kun oo ka socda gaashaanbuurta NATO iyo xulafooda ayaa ku sugan dalka ay colaadaha sokeeye la dageen ee dhaca qaarada Aasiya.

Maamulka Donald Trump ayaa sanadkii 2018-kii bilaabay wadaxaajoodyadda, wallow aanan la fahfaahin qodobada lagu jeexjeexay.

Heshiiska qalinka lagu duugay, oo lagu sifeeyay "mid taariikhi ah," wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa in xukuumadda Kabul ay sii deyso shan kun oo maxbuus oo ka tirsan falaagada Taliban.

Tan iyo sanadkii 2009-kii, boqol kun oo askari ayaa lagu dilay colaada Afghanistan, sidda uu diiwaan-geliyey xafiiska Qaramada Midoobay ee Afghanistan, kaasoo tilmaamay in ay sidoo kale badan tahay khasaaraha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM