Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Bangiga Dhexe ee Iiraan

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabateyn saarayo Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Talaabadan oo uu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay ayaa daba socotay hanjabaad horey uga soo yeertay xukuumadda Washington.

"Waa xayiraadda ugu weyn ee abid dal la saaro," ayuu yiri Trump. "Waxay aadi doonan meesha saxda ah ee ugu dambeysya," waa uu raaciyey.

Steven Mnuchin, hantidhowraha Mareykanka, ayaa xusay in cunaqabateyntu tahay mid ka dhalan doonta in ciidamada Iiraan aysan dhaqaalo helin.

"Waxay dhimi doontaa awooda ay Iiraan u leedahay in ay hesho taakuleyn caalami ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

"Waxay dhimi doontaa awooda ay Iiraan u leedahay in ay hesho taakuleyn caalami ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Trump ayaa go’aankan shaaciyey markii uu Jimcadii qaabilay ra’iisul wasaaraha waddanka Australia ee Scott Morrison.

"Waxaan haatan jari doonaa dhamaan ilaha taakuleynta Iiraan," ayuu Mnuchin si cad daaha uga rogay markii uu war-fidiyeenka u waramay.

Ku darista liiska madow ee Bangiga dhexe ee Iiraan ayaa imaaneysa kadib weeraro lagu ekeeeyay keydka ugu weyn ee shidaalka aduunka.

Xuutiyiinta Yemen ayaa dusha saartay mas'uuliyadda balse, Mareykanka ayaa si gaar ah farta ugu goday xukuumadda Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM