Mareykanka oo cunaqabateyn saarey xigtada hogaamiyaha sare ee Iran

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa xayiraad cusub kusoo rogay xigtada iyo shaqsiyaad aad ugu dhow Hogaamiyaha Sarre Kacaanka waddanka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei, waxaana ku jira mid kamid wiilashiisa.

Wasaaradda Lacagta Mareykanka oo go'aankan ku dhawaaqday Isniintii ayaa shaacisay in uu la xiriiro damaashaadkii 40aad ee qabsashadii safaaradda Washington ee Tehran.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya xili Tehran ay xaqiijisay in ay sii waddeyso bacraminta Nukliyeer. Tani waxay barbar socotaa talaabada uu Mareykanka uga baxay heshiiskii Nukliyeera.

Dadka sidoo kale cunaqabateyn la saarey waxaa kamid ah; taliyaha ilaaladda Khamenei, madaxa garsoorka iyo xubno sarre. Si lamid ah waxaa liiska madow lagu daray Taliyaha guud ee Ciidamadda.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Iran, Abbas Mousavi, ayaa xayiraadda ku tilmaamay mid muujineysa "tabar darro".

Wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa kasoo xigatay in qaab diblumaasiyadeed loo wadda xaliyo arriimo masiiriga ah ee caalamka.

Xifaaltanka Mareykanka iyo Iiraan ayaa soo jiitamayey sanadihii u dambeeyay, waxaana uu xoogeystay markii uu xafiiska yimid Donald Trump oo ka baxay heshiiskii dunida la gashay Iran ee looga joojiyey Nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM