Mareykanka oo dacwad kusoo oogay aas-aasaha Wikileaks

Image

LONDON, United Kingdom – Dowladda Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogtay aas-aasaha shabakada siraha kashifta ee Wikileaks, kaasi oo maanta oo Khamiis ah lagu xiray London.

Booliska caasimada Ingiriiska ayaa suxufigaan dhowrka jeer ku guuleystay abaalmarinta wariyaha aduunka fiican kasoo xiray safaarada wadanka Ecuador ku leeyahay magaaladaasi.

Xukuumada Washington ayaa ku eedaysay Julian Assange in ay jabsaday Computer-rada wasaarada difaaca dalkaasi uuna kala baxay xogo sir ah oo uu lahaa ciidanka milatariga.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa tilmaamay in Assange uu "xaday" sirahaasi milatari kadib shirqool uu u degay Chelsea Manning.

Chelsea Manning, haweenay kamid ahayd ciidamada Mareykanka, ayaa sanadkii 2013-kii loogu xukumay 35-sano oo xabi ah, basaasnimo iyo tuugnimo.

Julian Assange oo isla maanta kasoo muuqday maxkamad degmada Westminster ee London ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaha loosoo jeediyay oo ay kamid tahay in diiday damaanad uu isku soo dhiibo.

Maxkamadeynta Julian Assange ayaa la filayaa in ay sii socoto, iyadda oo Booliska uu xaqiijiyay in xariga wariyahaan ay timid kadib codsi kaga yimid dowladda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM