Mareykanka oo helida Fiisooyinkiisa ku xiray shuruudo adag

Image

WASHINGTON - Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in hadda kaddib dadka soo dalbanaya fiisooyinka ama dal-ku-galka Mareykanka looga baahanyahay in ay soo gudbiyaan teleefannadooda, e-mail-adooda iyo cinwaanada ay ku leeyihiin baraha bulshada.

Sharcigan cusub ayaa faraya dhamaan dadka soo dalbanaya dal-kugalka qaxootinimada iyo kuwa sida caadiga ah u yimaada Mareykanka, in ay safaaradaha ay fiisooyinka ka dalbanayaan ay u gudbiyaan nambarada telefoonada, cinwaanada emailada iyo baraha bulshada ay isticmaaleen shanti sano ee lasoo dhaafay.

Qof kasta oo soo dalban doono fiisooyinka Mareykanka ayaa sidoo kale waxaa la weydiin doonaa in qof qoyskooda ka mid ah uu ku lug yeeshay ficillo argagixiso iyo in kale.

Saraakiisha wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in xeerkaan cusub uu saameyn doono ku dhawaad 15 milyan oo ajnabi ah.

Laakin wax saameyn ah kuma yeelan doono diblamaasiyiinta iyo shaqaalaha dowladaha caalamka ee la aqoonsanyahay ee raba in ay yimaadaan Mareykanka.

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM