Mareykanka oo hogaaminaya tirada geerida caalamka ee Coronavirus

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa hogaanka u qabtay tiradda dhimashadda fayruska safmareenka ah ee Corona, guud ahaan caalamka.

Sidda ay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins, tiradda dhimashadda waxay mareysaa 20,071, iyaddoo la diiwaan-geliyey 519,400 kiisas.

Talyaaniga ayaa ku jira kaalinta labaad. Tiradda geerida dalkaas waxay mareysaa 19,468, iyaddoo kiisaska ay ku dhow yihiin 500-kun.

Sidoo kale, dalka Mareykanka wuxuu noqdey waddankii ugu horeeyay ee maalin qura ay cudurkaas ugu dhinteen laba kun oo ruux.

Iskoorkaas waxaa horey u haystay Shiinaha, oo ah xudunta caabuqa. Bishii December ee sanadkii hore ayuu ka dilaacay magaalada Wuhan.

Ismaamul goboleedka New York ayaa ah gobolka ugu badan ee caabuqa uu ku dilay dadka ugu tirada badan, guud ahaan waddankaas.

Kaliya maalintii Jimcaha waxaa lasoo wariyey 783. Taas macnaheedu waxay tahay in wadarta guud ee dhimashadda ay tahay 8,600.

Guud ahaan dunida, xanuunkaas wuxuu haleelay in ka badan 1.5 milyan oo qof; sidoo kale, waxaa u geeriyooday dad ka badan 100-kun oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM