Mareykanka oo diidey in sirdoonkiisa lala barbardhigo midka China

Image

BERLIN, Germany – Safiirka Mareykanka ee Berlin ayaa si adag ugu dhaleeceeyay wasiirka dhaqaalaha Jarmalka, Peter Altmaier, in uu isla barbardhigay sirdoonka China iyo Mareykanka.

Xiisadda ayaa waxay karkartay markii Germany uusan ka mamnuucin shirkadaha Tiknoolajiyadda ee laga leeyahay dalka Shiinaha ee Huawei ka qeybgalka Banbiga Telefoonada waddankaas.

"Ma jiro wax u dhigma damiirka ka dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka qof kastoo soo jeediyana wuxuu iska indhatirayaa taariikhda," ayuu Richard Grenell yiri, sidda ay qortay warbaahinta.

Xukuumadda Washington ayaa waxay u aragtaa Huawei in ay tahay khatar amni oo ku wajahan Mareykanka.

Mareykanka ayaa horey u waydiistay xulufadiisa reer Galbeedka in ay joojiyaan isticmaalka telefoonada 5G-da ah ee ay farsameyso, isaga oo ku doodaya in ay u dhow sirdoonka Shiinaha.

China iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan ganacsi oo cirka isku sii shareeray tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Donald Trump oo xayiraadyo dhowr ah kusoo rogay.

Xukuumadaha Beijing iyo Washington oo loolankooda uu saameeyay ganacsiga dunida ayaa waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dowladaha ugu tunka dhaqalaaha aduunka uguna wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM