Mareykanka oo ka hadlay is-rasaaseynta sohdinta labada Kuuriya

Image

WASHINGTON, US – Rasaasta ay rideen ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee jooga xadka kala dhaxeeya Kuuriyadda Koonfureed waxay u badan tahay in ay ahayd "shil," sidda uu sheegay wasiirka arrimaha dibada Mareykanka.

Hadalka Mike Pompeo ayaa kusoo beegmay xilli ay jireen warar tilmaamayey in uu ahaa amar ka yimid hogaamiye Kim Jong Un, oo 36-jir ah.

Ciidamadda Kuuriyadda Koonfureed ayaa ka jawaabay markii xabado teel-teel ah ay Sabtidii kusoo rideen dhigooda, wallow aysan dhalin waxyeelo.

"Waxaan u maleynaynaa in ay ahayd mid aan ku talagal ahayn. Koonfur Kuuriyaanku waxay rideen xabado. Illaa iyo haatan, waxaan sheegi karnaa in aysan jirin khasaaro, gaar ahaan dhinaceena," ayuu Pompeo yiri.

Pompeo ayaa mowqifka xukuumadda Washington ku caddeeyay wareysi uu siiyey warbaahinta Mareykanka gaar ahaan telefishinka afka dheer ee ABC.

Dhinaca kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu aad u xanuunsan yahay hogaamiye Kim.

"Waxaa muuqaneysa in gudoomiye Kim uu nool yahay, misana uu wanaagsan yahay," ayuu hadalkiisa ku daray Mike Pompeo.

Kim ayaa fagaareyaasha kasoo muuqday kadib ku dhowaad 20 casho oo la waysanaa meel uu jaan iyo cirib dhigay. Soo muuqashadiisa waxay meesha ka saartay hadalheynta ku saabsan in uu dhintay ama uu xanuunsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM

Erdogan oo Isku Shaandheeyay Golaha Wasiirrada Turkiga

Tobannaan mas’uul oo ka tirsan degmooyinka ay maamulaan CHP ayaa lagu xiray baaritaanno la xiriira musuqmaasuq.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 11:37AM