Mareykanka oo looga dhawaaqay xaalad caafimaad oo deg deg ah

Image

NEW YORK, US – Duqa magaalada New York ayaa iclaamiyay xaalad caafimaad oo deg deg ah kadib markii uu dilaacay xanuunnka Jadeecada.

Xaalada digniinta oo quseysa degmada Brooklyn ayaa laga codsaday dadka degaanka in ay qaataan talalaka kahor tagga.

Oxiris Barbot oo xusay 285 kiis oo xanuunkaan ah ay hayaan tan iyo 30 September ayaa shaaciyay in 246 kamid ah ay caruur yihiin.

"Qaar kamid ah dadka uu lasoo darsay xanuunka isbitaal ayaa la dhigay … ma jirto illaa iyo haatan wax dhimasho ah," ayuu raaciyay.

Dadwaynaha ayuu ku tartarsiiyay in ay qaataan talaalka si uusan cudurka u faafin, isla markaana u saameynin dadka kale.

Waa tiradii ugu badneed taarikhda magaalada tan iyo sanadkii 1991-dii, markaasi oo ay intaan ka badneed hal jibaarkeeda.

Xanuunka Jadeecada waa mid kamid ah kuwa ugu halista badan kaasi oo keeni dhibaato caafimaad sida oof-wareenka iyo bararka maskaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM