Mareykanka oo looga digay inuu Beegsado Hogaamiyaha Cusub ee Iran

Image

MOSCOW — Kazem Jalali, safiirka Iran u fadhiya Russia, ayaa Mareykanka si kulul uga digay in uu isku dayo inuu dilo hogaamiyaha cusub ee sare ee Tehran, Mojtaba Khamenei, isagoo ku sheegay in fal kasta oo noocaas ah ay keeni doonto aargoosi adag oo ka dhan ah Maraykanka.

Jalali ayaa wareysi uu siiyay shabakadda warbaahinta Sputnik ku sheegay in shacabka Iran ay rabaan “aargoosi dhiig leh” kadib dilka aabaha Mojtaba, Ali Khamenei, oo ku geeriyooday duqeyn dhawaan ka dhacday Tehran. “Shacabku waa carooday waxayna dalbanayaan aargoosi dhiig leh,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Mareykanka uu hore u la kulmay aargoosi culus isla markaana uu weli la kulmi doono mustaqbalka.

Dilka Ayatollah Ali Khamenei ayaa qayb ka ahaa weeraro duqeyn ah oo ay wada fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israel 28-kii Febraayo, kuwaas oo bartilmaameedsaday saraakiil sare iyo hoggaamiyeyaal Iran ah, iyadoo gurigiisii uu ku sugnaa Khamenei si weyn loo burburiyay. Waxaa jira warar xaqiijinaya in xubno ka tirsan qoyskiisa iyo saraakiil kale ay sidoo kale ku dhinteen weerarkaas. 

Mojtaba Khamenei ayaa si rasmi ah loo magacaabay hogaamiyaha sare kadib geeridii aabbihii, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray weerarka, waxaana la sheegay inuusan weli si ballaaran uga soo muuqan dadweynaha. Waxaana sii socday duqeymo iyo weeraro milatari oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo Israel gudaha Iran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in malaayiin qof ay ka barakaceen magaalooyin kala duwan, isla markaana ay jiraan kumanaan dad ah oo ku dhintay colaadda. 

Xiisadaha ayaa sidoo kale ka ballaadhay gobolada aysan Iran xuduud la lahayn, iyadoo ay jiraan duqeymo, rasaas jabhadeed iyo weeraro diyaaradeed oo ka dhacay meelo ay ka mid yihiin dowladaha deriska ah, iyo xitaa weeraro loogu diray saldhigyadii Mareykanka ee ku yaalay gobolka. Dhamaan tallaabooyinkan ayaa sii murjiyay xiisadaha ka dhex jira Bariga Dhexe.

Hadalkan safiirka Iran ayaa muujinaya sida Tehran u aragto fal kasta oo waxyeello u geysta hogaanka cusub ee dalkaas, iyadoo ay jiraan digniino culus oo ku saabsan jawaab celin halis ah oo dhanka milatari ah haddii la beegsado hoggaanka Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo si Kumeel-gaar ah u Joojiyay Qorshaha Trump ku tarxiilayo Soomaalida

Dacwoodayaashu waxay ku doodeen in go’aanka maamulka uusan ku dhisnayn xaaladda amni iyo bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 09:14AM

Caqabadaha Mareykanka ka-hortaagan duulaan dhulka ah oo ku qaado dalka Iran

Dadka falanqeeya arrimahan ayaa qiyaasaya in duulaan lagu qabsado dalkaas oo dadkiisu ka badan yihiin 88 milyan.

  • Caalamka

    14-03-2026

  • 07:19AM