Mareykanka oo qaadey "dhamaan cunaqabateyntii" uu saarey Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in uu qaadey cunaqabateyntii uu maamulkiisu kusoo rogay Turkiga.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa'id oo Arbacada maanta ah uu ku qabtay Aqalka Cad kuna saabsanaa xaaladda Suuriya iyo heshiiska xabad-joojinta.

Xayiraadda oo la saarey Wasaaradaha iyo Wasiiradda Turkiga ayaa ka dambeysay howlgalkii ay Ankara ku qaadey waqooyi bari ee Suuriya.

Gulufkaas oo ay ugu magac-dartay Howlgalkii Nabadda Xagaaga ayaa waxaa lagu beegsanayey Kurdiyiinta ku sugan sohdinta Syria ee ku teedsan xadka.

Turkiga oo falaagada u aqoonsan "argagixiso" ayaa cunaqabateynta uga jawaabay xayiraad uu saarey hubka Nukliyeerka ee Mareykanka ka yaala gudaha wadankaas.

Talaabada Trump ayaa waxay ka dambeysay markii labada dhinac heshiis ka gaareen ismaandhaafka xoogan ee soo kala dhex-galay.

Heshiiska ayaa dhigaya in Kurdiyiinta ka baxaan xadka Turkiga iyo xabad-joojin ka dhaqan-gasha Aag ammaan ah oo xuduudka laga sameyn doono.

Shuruudahan ayaa ahaa qodobadii uu Turkiga miiska u saaray Washington kahor inta uusan qaadin howlgalka oo lagu dilay boqolaal kuna dhaawacmeen tiro kale.

Go'aanka Trump ayaa sidoo kale imaanaya xili Ruushka iyo Turkiga ku heshiiyaan Aaga amaanka oo la dejin doono qaxootiga Syria ee ku qaxay Turkey.

Suuriya ayaa tobanaan sano dhexda uga jira colaado sokeeye, waxaana kuwada sugan dhamaan awoodaha aduunka, iyaga oo difaacanaya danahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM