Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u daabulayo Sacuudiga

Image

WASHINGTON, US – Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay u direyso Sacuudi Carabiya.

Askarta cusub oo tiradooda ay gaareyso saddex kun ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta amniga iyo difaaca dalkaas Carbeed.

Mark Esper, wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka, oo amarka bixiyey ayaa ku adkeystay in ay ka go’an tahay difaacida xulafodadooda.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysa iyadda ay sii kordheen weerarada ka dhan ah Ceelasha Shidaalka Sacuudi Carabiya.

"Dirista ciidamadda cusub waxay soo socotay tan iyo bishii hore," ayaa lagu yiri qoraal loo diray saxaafadda oo kasoo baxay Wasaaradda.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa dalabkan soo gudbisay kadib khataro soo wajahay.

"Tani waa dedaalo dheeraad ah oo looga hortagayo xadgudubyadda Iiraan," ayuu Esper saxafiyiinta u sheegay Jimcadii.

Tan iyo bishii May, Mareykanka ayaa waxa uu kordhiyey joogitaankiisa Bariga Dhexe, taasi oo ku jirta Istaraatiijiyadda ka dhan ah Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM