Mareykanka oo weerar dhanka cirka ah ku dilay afhayeenkii Daacish

Image

WASHINGTON, US – Milagariga Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay afhayeenkii Daacish, Abu al-Hassan al-Muhajir, sidda ay baahisay saxaafada maxaliga ah.

Wargeyska afka dheer ee Newsweek ayaa Isniinta maanta ah wuxuu shaaciyey in al-Muhajir lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo wada jir ah.

Warbixinta oo laga soo xigtay illo wareedyo macquul ah ayaa waxay imaaneysaa maalin kadib dhimashada hogaamiyahii ISIL, Abuubabar Al-Baqdaadi.

Taliska Ciidamada Dimoqraadiga ee Suuriya ayaa Axadii waxay baahiyeen akhbaarta ku saabsan khaarjinta Abu al-Hassan al-Muhajir.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka, gulufka lagu dilay Al-Xasan ayaa ka dhacay xaafadda Ayn al-Bayda gaar ahaan meel ku dhow magaalada Jarablus.

Muhajir ayaa afhayeenka ISIS waxaa loo magacaabay 2016-kii ka gedaal markii ninka uu bedelay Abu Mohammad al-Adnani, lagu dilay magaaladda Xalab.

Abu al-Hassan ayaa la rumeysan yahay in ahaa gacanta midig ee Abuubabar Al-Baqdaadi oo Axadii ku geeriyooday magaaladda Idlib.

Sidda laga soo xigtay Donald Trump, Amiirkii kooxda la magac-baxday dowladda Islaamka, ayaa isu-qarxiyey god dhulkiisa ah markii ciidamada hareeyeen.

Muhajir ayaa muuqaalkiisu aad ugu yaraa fagaareyaasha. Balse, dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in uu ahaa nin ajaaniib ah wallow aan la shaacin Jinsiyadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM