Mareykanka oo xiray haweeney hubka Iran sameysay geyn jirtay Sudan

Image

Saraakiisha federaalka ee dalka Maraykanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka soo saaray xariga Shamim Mafi, oo ah 44 jir u dhalatay dalka Iran balse haysata deganaanshaha Maraykanka, taas oo lagu eedeeyay inay dillaal ka ahayd heshiisyo hub oo waaweyn oo u dhexeeyay dalalka Iran iyo Suudaan.

Mafi ayaa laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles (LAX) iyadoo isku dayaysay inay dalka ka baxdo, waxaana hadda soo baxaya macluumaad sheegaya inay u adeegsan jirtay shirkad ka diiwaangashan dalka Cumaan oo lagu magacaabo Atlas International Business si ay u qariso dhaqdhaqaaqyada hubka iyo lacagaha sharci darrada ah.

Dacwad-ogogayaasha ayaa tilmaamay in hubka ay ku lug lahayd uu ka koobnaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mohajer-6, qandaraas ku kacaya €60 milyan oo ay la gashay wasaaradda gaashaandhigga Suudaan, iyo iibinta 70,000 oo qori oo nooca AK-47 ah, 10 milyan oo xabbo oo rasaas ah, iyo kumanaan qalabka gantaallada garbaha laga rido ah.

Baarayaasha FBI-da ayaa sheegay inay heleen cadaymo muujinaya in ka badan 60 xiriir oo ay la samaysay saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka dalka Iran intii u dhaxaysay sanadihii 2022 ilaa 2025, iyadoo la rumeysan yahay in shirkaddeedu ay heshay malaayiin doollar oo faa'iido ah oo ka dhashay dillaalka hubkaas.

Mafi, oo ku noolayd nolol raaxo leh oo ku taal deegaanka Woodland Hills ee Los Angeles, ayaa hadda wajahaysa dacwado culus oo la xiriira ku xad-gudubka sharciga awoodaha dhaqaalaha ee xaaladaha degdegta ah (IEEPA) iyo dhoofinta hubka iyada oo aan haysan oggolaansho rasmi ah.

Haddii lagu helo dambiyadan, waxay muteysan kartaa xabsi federaal ah oo gaaraya ilaa 20 sano, iyadoo mas'uuliyiinta Maraykanku ay sheegeen inay tani qayb ka tahay dadaallada lagu curyaaminayo shabakadaha caalamiga ah ee Iran u qaabilsan dhoofinta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM