Mareykanku oo bilaabayo musaafurinta malaayiin muhaajiriin ah

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay soo qabqabtaan dadka muhaajiriinta ah ee go’aamada musaafurintooda horey loo gaaray.

Howlgalka dadkaasi lagu soo qabqabanayo ayaa bilaabanaya Axadda berita ah sida ay warinayaan warbaahinta Mareykanka.

Howlgalkan ayaa markii ugu horeysay waxaa shaacisay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo ilaa iyo 2 Kun oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka oo ay dadka muhaajiriinta ah ee dalkan soo gala ay ka soo degaan, sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles.

Washington Post waxay sheegtay in xogta la xiriirta soo qabqabashada dadkan ay ka heshay sadex sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka oo magacooda qariyay.

Wargeyska The Miami Herald ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee la bartilmaameedsanayo ay ka midyihiin Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco.

Dhinaca kale, madaxweyne Trump ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka Isniintii la soo dhaafay ku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga.

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM