Masjidka Al Aqsa oo albaabada loogu laabay cabsida Coronavirus

Image

QUDDUS, Falastiin – Maamulka gacanta ku haya goobaha barakeysan ee ku yaala Quddus ayaa shaacisay in albaabada loo laabayo qeybta ugu weyn ee Masjidka Al Aqsa, si looga hortago faafinta Coronavirus.

Omar Kiswani, agaasimaha Masjidka, ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Muslimiinta ay salaada ku oogi doonan qeybta furan ee Masjidka, halkaasoo dad badan aysan ku tukan karin.

Wakaalada wararka Falastiiyiinta ee Wafa ayaa Sabtidii baahisay in Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Awqaafta ay amartay in la xiro Masaajida si lamid ah Kaniisadaha si uusan u faafin xanuunkaas.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Masaajida dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ay ku boorinayaan dadka in ay salaada ku oogaan guryahooda maadaama ay jirto "khatar weyn".

Ku dhowaad 40 oo la xiriira caabuqa ayaa laga helay Falastiin, iyaddoo mas'uuliyiinta ay ku dedaalayaan ka hortaga.

Kulamada dadweynaha, shirarka, dalxiiska iyo goobaha waxbarashadda ayaa albaabada loo laabey, illaa iyo amar dambe.

Falastiin ma ahan maamulkii ugu horeeyay ee amar ku bixiyay ina dadka aysan salaada jameecada ku tukan karin Masjidka, waxaa go'aankaas horey u soo saarey wadamada Kuwait, Ciraaq, Iiraan iyo wadamo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM