Mataano dhowaan dhashay oo loogu magacdaray Corona iyo Covid

Image

NEW DELHI, India – Lamaane ku nool gobolka bartamaha dalka Hindiya ku yaala ee Chhattisgarh ayaa mataano ay dhaleen ugu magacdaray Corona iyo Covid, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mataanaha, oo wiil iyo gabar ah, ayaa ku dhashay isbitaalka dowladdu maamusho ee magaala madaxda gobolka Raipur, 27-dii Maaj, laba maalin kadib markii lasoo rogay bandow balaaran.

Waalidiinta ayaa sheegay in ay magacyadaas u xusheen si ay ugu maamuusaan dhibaatooyinka ay mareen maalinta foosha oo waddooyinka kala duwan ay xirnaayeen sababo ku aadan bandowga.

"Waxaan umulay iyaddoo ay jiraan caqabado kala duwan, waxaana u dooranay in ay noqoto maalin xusuus leh," Preeti Verma, hooyada caruurta oo 27-jir ah, ayaa sidaas u sheegtay Press Trust of India.

Ehelkooda ayay sheegeen in ay ku gacan-sayreen magacyadda, balse ay xili dambe qaateen go'aanka ugu dambeeya oo ah in aysan bedelin, kuna adkeysteen mowqifkooda, sidda ay ku warantay wakaalada DPA.

Hindiya ayaa xaalad go'doon ah ku jira muddo saddex asbuuc ah illaa laga gaarayo 14-ka April, iyaddoo la joojiyey isu socodka gaadiidka iyo kulamada dadweynaha, marka laga reebo safarada muhiimka ah.

Kiisaska Covid-19 ee laga xaqiijiyey India ayaa ku dhow 3,000, iyaddoo ay jirto geeri 68 qof, guud ahaan waddankaas.

Mareykanka waa dalka uu dadka ugu badan uu kusoo ritay fayruskaas, waxaase jirta cabsi ah in uu galaafto ku dhowaad saddex boqol oo kun, maadaama maamulka Donald Trump uu dhayel-sanayo xanuunkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM