Maxaa ninkaan Beeraleyga ah ku kalifay in uu lugtiisa iska jaro?

Image

PENDER, US – Kurtis Kaser, oo ah beeraley ayaa ku dhiiraday in uu lugtiisa iska jaro, wallow uu qiray in uu dareemay xanuun badan.

Kaser ayaa waayey mid kamida xubnihiisa ugu muhiimsan markii qalab beeraha lagu falo uu ka qabsaday, taasoo keentay in uu dhameystiro.

Dhibanaha ayaa u adeegsaday jarista lugtiisa mindi [toorey] maadaama aysan jirin wax kalo oo u duwan oo uu isaga fujin karay.

"Marka hore waxaa gooyay dharka, kadibna dharka iyo hilibka," ayay warbaahinta caalamka kasoo xigatay ninkaan.

Kurtis Kaser, oo haatan qalab socodka ka caawiya haysta ayaa ku nool Pender, oo ka tirsan North Carolina ee wadanka Mareykanka.

"Haa socodka uu u dhibayaa. Markaan soo degayo way fudu-dahay balse markaan kor u socdo ayaa dhib badan," ayuu sii daba dhigay.

Sikastaba ha ahaatee, caqabada ugu wayn ee hataan haysata waa in uu in ka badan 60 kilo mitir ay ku qaadato in uu gurigiisa yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM