Maxaa sababay geerida wiilkii ugu da’da yaraa Maxamed Mursi?

Image

KHAAHIRA, Masar – Wiilkii ugu da’da yaraa madaxweynihii dhintay ee Masar, Maxamed Mursi, ayaa Isbitaal ku yaala Giza, koonfuta Khaahira, ugu dhintay wadno xanuun, sida ay ku waramayaan warbaahino kala duwan oo Carbeed.

Cabdullaahi Mursi ayaa aad loogu bartay in uu ahaa afhayeenka qoyskiisa kadib markii Aabihii uu 17-kii June sanadkan 2019 uu ku dhintay xabsi.

Yaraanka Mursi, kaasi oo geeriyoodey Arbacadii, ayaa wuxuu ku eedeeyay saraakiisha ammaanka in ay ka dambeeyeen dhimashada aabihii.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo Twitter-ka ayaa waxa uu ugu barood-diiqayey Aabihii, isaga oo la wadaagayey inta ku xiran khudbado ku baaqaya cadaalad uu helo hogaamiyihii dhintay.

Sanadkii hore 2018-kii ayaa Cabdullaahi si kooban loo xiray isaga oo lagu eedeeyay faafinta warar been abuur ah. Sidoo kale, sanadkii 2015-tii ayuu sanad xabsiga ku qaatay kadib inqilaabkii dhacay.

Walaalkiis ka weyn, Cusmaan, kaasi oo wajahaya dacwado ku aadan in uu abaabulayey banaanbaxyo ayaa wuxuu xabsi ku jiraa tan iyo markii la xiray sanadkii 2016-kii.

Hay'ddo kala duwan oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qiyaasay in xukuumadda Al Sisi ay xabsi u taxaabtay ku dhowaad 60-kun oo maxaabiis siyaasadeed tan iyo markii la afgembiyey Mursi, 2013-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM