Theresa May oo iska casileysa xilka ra'iisul wasaaraha Ingiriiska

Image

LONDON, UK – Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska ee uu cadaadisku saarnaa, Theresa May, ayaa Jimacada maanta ah ku xaqiijisay is-casilaadeeda bayaan ay saxaafada ugu marisay dibadda hoygeedii hore ee ku yaalla London.

Go’aankaan ayaa waxa uu ahaa mid aad loogu dhag-raaricinayey, maadaama saan-saanta arrintaasi ku qaadan ay muuqatay todobaadyadii lasoo dhaafay.

Geedi-u-socodka lagu soo dooranay hogaamiyaha ra'iisul wasaare cusub ayaa bilaaban doonta todobaadka soo aadan, sida ay May sheegtay, taasi oo raacisay in talaabadeeda ay ku war-gelisay Boqorada.

May oo sii hadlaysa ayaa ku nuux-nuuxsatay in ay ka qoomameyneyso in heshiiskeeda ka bixitaanka Midowga Yurub uu fashilmay, ayna horey u sii wadi waysay.

"Aniga waan iska casili doonaa xilka hogaamiyaha xisbiga talada haya, 7-da June, sidaasi awgeeda waa lasoo dooran karaa bedelkeyga," ayay hadalkeeda daba dhigtay.

Sidda uu qabo xeerka dalka Britain, May waxa ay xafiiska sii joogi doontaa illaa iyo geedi u socodka doorashada ra'iisul wasaaraha cusub ay soo idlaaneyso.

May oo sheegtay "in ay si qoto dheer ay shaqsi ahaan uga qoomameyneyso" in ay awoodi wayday in uu shaqeeyo heshiiskeeda ka bixista Midowga Yurub ayaa baarlamaanka ka codsatay in ay u turaan hogaamiyaha cusub.

Iyadda oo qeexeysay nooca loo baahan yahay in uu noqdo hogaamiyaha xiga ayay ku sifeysay "shaqsi kasta oo si dhab ah ugu shaqeynaya Boqortooyada UK" xili ay ku dartay "sharaf ayay ii tahay in aan saddex sano wadashaqeynay".

"Siyaasadeena waxay noqon doontaa mid cadaadis leh, balse waxyaabo badan oo ku saabsan dalkaan oo wanaagsan baa jira," ayay daba dhigtay, iyada oo u muuqata mid qeexeysa in ay soo socdaan caqabado.

Hadalheynta ku saabsan in ay xafiiska baneen doonta May ayaa taagneyd isbuucaan oo idil taasi oo ka dambeysay markii barnaamijkeeda ka bixitaanka Midowga Yurub uu mar kale ku gacan-seyray sharcidejinta.

"Ra'iisul wasaaraha xiga waxay noqon doontaa haweeney balse ma ahan wax aan gabagabadii hubo," ayay Theresa May hadalkeeda kusoo gabagabeysay, iyada oo codkeeda sarre u qaadeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM