Maxaad ka taqaan wiilka Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Qadar?

Image

DOHA, Qatar - Akram Xasan Cafiif oo 22 sano jir ah waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn isha loogu hayo.

Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qadar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qadar ka gaartay tartanka koobka Aasiya oo ay ugu dambeyn Jimcadii koobka ku hanteen.

Mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka uga badisay xulka Japan ayuu dhaliyay Akram.

Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amAah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain.

Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo horay uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii.

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa isagoo BBC-da la hadlayay wuxuu sheegay in Akram aabihiis uu soo ahaan jiray nin si fiican loogu yaqaannay xirfadda kubadda cagta.

"Xasan Cafiif wuxuu ahaan jiray ciyaartoydii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed. Wuxuu ahaa weeraryahan aad looga yaqaannay Soomaalia waxaana laga soo xushay ciyaartoydii ka soo jeedday magaalada Kismaayo, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney kasoo barbar ciyaaraan".

Saxan Cafiif ayaa ka ciyaari jiray horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, isagoo lafdhabarna u ahaa xulka qaranka iyo kooxdiisii horsed.

Dhanka kale, Biriq ayaa sheegay in Akram uu sidii aabihiis u yahay yahay ciyaartoy xirfad sare leh oo mustaqbalkiisu uu ifayo.

"Waa ciyaartooy da' yar, adduunyada oo dhanna aad ay maanta u daneyneysaa Akram Cafiif. Ciyaartii Fiinaalka koobka Aasiya wuxuu Akram muujiyay ciyaar heer sare ah. Marka runtii waxaan dhihi karnaa rajo fiican ayuu leeyahay heer aad u sarreeya ayuuna ka gaari karaa kubadda cagta adduunka".

Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii.

 BBC 

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM