Sababta u horseeday Paul Pogba in uu ku biiro diinta Islaamka?

Image

Ciyaartoyga kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Faransiiska Paul Pogba ayaa ka sheekeeyay sida uu kusoo galay diinta Islaamka iyo waxyaabihii u horseeday inuu muslim noqdo.

Wareysi uu siiyay wargeys kasoo baxa dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo The Times ayuu ku sheegay in isaga uusamn horey muslim u aheyn, balse hooyadiis ay heysatay diinta islaamka.

Pogba ayaa xusay 'in markii hore uu su'aalo iska weydiiyay waxyaabaha ku khasbay inuu islaam noqdo balse markii uu diinta qaatay uu qalbigiisa xasilay'

Ciyaartoygan caanka ah ayaa markii hore si weyn u damcay inuu qaato diinta islaamka, waxa uuna billaabay inuu baaritaan ku sameeyo diinta si uu u fahmo, isagoo la socon jiray saaxibo badan oo ka dhaadhiciyay wanaagga diinta islaamka.

Paul Pogba waxaa uu yiri "Diinta islaamka waxay iga dhigtay qof sidii hore ka wanaagsan".

ishii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada lasoo galiyay Paul Pogba oo la sawiran difaaca kooxda Chelsea Kurt Zouma, xilli ay acmaashooda cumrada ku gudanayeen magaalada barakeysan ee Maka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in diinta islaamka ay bartay mahadcelinta iyo qaddarinta dadka.

"Waxay diinta islaamka ii horseedday isbaddal, qalbiga ayay ii dejisay, nolosheyda waxaa ku yimid isbaddal, horay ma aanan u aheyn qof muslim ah inkastoo ay hooyadeey aheyd muslim, sidaas ayaan kusoo barbaaray, waxaan qaddariyaa qof kasta" ayuu yiri Pogba.

Markii la weydiyay sababta u horseedday in uu muslim noqdo waxaa uu yiri "waxaan leeyahay saaxibbo badan oo islaam ah oo aan had iyo jeer sheekeysanno".

Pogba waxaa uu sidoo kale sheegay in markii uu saaxiibbadiis la tukaday salaadda uu si weyn u jeclaaday diinta.

"Islaamka maskaxda ayuu ii furay, qof ka wanaagsan sidii hore ayuu iga dhigay... Islaamka waxa uu na farayaa qaddarinta aadanaha" ayuu yiri Pogba.

Paul Pogba ayaa waxaa uu kamid yahay tiirarka waaweyn ee ay ku taagan tahay kooxda Manchester United.

Waxa uu ka ciyaaraa khadka dhexe, waana laacib ay si weyn ay ugu faanaan taageerayaasha kooxda.

BBC

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM