Maxbuus u dhashay Pakistan oo dhagax lagu dilay gudaha Xabsi ku yaalla India

Image

Maxaabiis reer India ah ayaa maanta oo Arbaco ah dhagax ku dilay maxbuus u dhashay Pakistan, kaasi oo ku jira xabsi ku yaala bartamaha magaalada Jaipur ee gobolka Galbeedka dhaca ee Rajasthan.

Kapil Garg, agaasimaha guud ee bileyska gobolkaasi, ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP in dilka maxbuuska oo uusan shaacin magaciisa uu ka dambeeyay markii ay wada murmeen.

Wasaarada arrimaha dibada Pakistan oo arrintaan uga hadashay war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa sheegtay in ay aad uga walwalsan yahay dilka maxbuuska oo ay tilmaamtay magaciisa Shakir Ullah.

Dhacdaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo ay cirka isku sii shareerayso xiisad ka dhalatay weerar ismiidaamin oo ka dhacay qaybta ay India ka maamsho gobolka Kashmir, halkaasi oo looga dilay 40 askari.

Weerarkaasi oo ay sheegteen xoogaga Jaish-e-Mohammed ee fadhigooda yahay Pakistan ayey Hindiya ku eedaysay dariskooda oo iska fogeeyay, taasi oo keentay in ay ugu yeertaan safiiradooda.

India iyo Pakistan – labadooda – qayb ayey ka maamulayaan gobolka Kashmir, waxaana ka taagan halkaasi colaad qaraar tan iyo markii ay xorriyadooda ka qaateen Ingiriiska sanadku marka uu ahaa 1947.

Maxbuuska la dilay oo muddo 8-sano ah ku jiray xabsiga oo loogu xukumay xabsi daa’in ah ayaa lasoo xiray bishii May ee sanadkii 2013-kii, markaasi oo lagu qabtay weerar lagu soo qaaday xabsi India ay maamusho oo Kashmir ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM