Maxkamad amartay in ay waqti badan la hurdo siiyo maxaabiis

Image

SAN FRANCISCO, US – Xeer-ilaaliye heer federaal ah ayaa faray in maxaabiista ku jirta xabsiga degaanada San Francisco Bay la hurda siiyo waqti badan.

Sidoo kale xeer-beegtada ayaa amar ku bixisay in habeenkii aysan buuq badan sameyn karin maxaabiista halkaasi ku jirta.

Intaasi waxaa wehlisa in la faray in nalalka la damiyo habeenkii wixii ka dambeeya 11-ka [Shan saac oo habeenimo].

Maxkamada ayaa sidoo kale soo rogtay in maxaabiista aysan soo toosi karin wixii ka horeeya afarta subaxnimo [Afar saac], markaasi oo ay quraac la siinayo.

Go’aanadaan ayaa ka dambeeyay markii qaar kamida maxaabiista ay cabasho ka keeneen sawaxan badan oo halkaasi ka jira xilliyada habeenkii.

"Amarkaan waa mid ku meel gaar ah, balse waa uu dhaqan-galayaa," ayuu Garyqaan James Donato u sheegay warbaahinta.

Mas'uuliyiinta ayaa xabsiga iyo kan gobolka ayaa ku dhawaaqay in ay u hogaansami doonan awaamiirtaasi.

Maxaabiista tabashada gudbiyay ayaa soo dhaweeyay xukunada ay ridday maxkamada, iyaga oo ku sifeeyay kuwa cadaalad ah.

Hasayeeshee, kuwa kasoo horjeeda ayaa ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xorriyadda ay u leeyihiin in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM