Maxkamad xukun ku riday walaalka ka yar madaxweynaha Iran

Image

TEHRAN, Iran – Maxkamad ku taalla Iran ayaa xukun sanado xabsi oo aan ka yaashin ku riday walaalka ka yar madaxweynaha dalkaasi, Xasan Ruuxaani.

Hossein Fereydoun, oo kalsooni badan uu ku qabay madaxweynaha, ayaa waxaa nan warbaahinta loosoo bandhigin eedeymaha lagu soo oogay.

"[Shaqsigaan [Hossein Fereydoun] waxaa lagu waayey dambiyada qaar, balse kuwa kale ee lagu helay ayaa lagu xukumay," ayuu yiri garsoore.

Maxkamadeynta Fereydoun oo ay wehliyaan lix eedeysanayaal ah, ayaa soo bilaabatay maalintii Jimcaha, iyada fahfaahinta waxa lagu haysto aan la shaacin.

Fereydoun oo wacad ku maray in uu Racfaan ka qaadan doono xukunka ku dhacay ayaa ku tilmaamay mid ay gadaal ka riixeyso arrimo siyaasadeed.

Balse maxkamada oo garabka ku dhufatay in go’aankeeda uu siyaasadeysan yahay ayaa waxay iska fogeysay farogelin uga yimid dhinaca Laanta Fulinta.

Xukunsane, Fereydoun, oo sanadkii 2017-kii lagu soo oogay dacwad la xiriirka Dhaqaalaha ayaa waxa uu xiligaasi sheegay in uusan wax khalad ahayn sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM