Maxkamada Sare ee Yurub oo xukun ku riday saddex dowladood

Image

LONDON, UK – Maxkamada sarre ee Yurub ayaa xukuntay in dowladaha Poland, Hungary iyo Jamhuuriyadda Czech ay beelmareen sharciga markii ay diideen in ay qaabilaan qaxooti ay heshiis ku galeen.

Heshiiska ayaa ku saabsanaa in ay culeyska ka yareeyaan Italy iyo Greece oo mushkilad baaxad weyn kala kulmay soo galootiga.

Hogaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa 2015-kii isku raacay in ay kala qeybsadaan qaxooti dhan 160,000 oo ku xerooyinka Italy iyo Greece.

Sidda ku xusan go’aanka Maxkamada Sare ee Yurub kaas oo maanta soo baxay, Poland, Hungary iyo Jamhuuriyadda Czech "waxay ku fashilmeen in ay dhaqan-geliyaan waajibaadka loo idmaday".

Guddiga sarre ee Midowga Yurub ayay xeer-beegtada awood u siisey in uu lacago ganaax ah ku rido wadamada dhaca bartamaha qaarada.

Jamhuuriyadda Czech ayaa la sheegay in ay kaliya qaabishay 12 kamid ah labada kun ee loo qoondeeyay, halka Hungary iyo Polan aysan qaabilin cidna, sidda lagu sheegay go’aanka maxkamada.

Heshiiska wadamada Yurub ayaa kaliya fursad siinayey magan-galyo-doonayaasha kasoo cararaya colaada ka aloolsan Suuriya.

Sidoo kale, garsooreyaasha ayaa waxbo kama jiraan kasoo qaadey dood ka timid wadamada oo ahayd in qaxootiga ay amni daro u horseedayaan.

Talyaaniga iyo Gariiga ayaa dhowr jeer ku eedeeyay wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub in aysan u midoobin dhibaatooyinka ay kamid tahay qulqulka soo galootiga, oo sanadihii dambe aad u kordhay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM