Maxkamadda Sarre ee UK oo ka hor-timid shaqo joojinta baarlamaanka

Image

LONDON, UK – Maxkamadda Sarre ee Ingiriiska ayaa sharci darro ku tilmaamtay shaqo joojinta baarlamaanka waddankaas, talabadaas oo uu soo jeediyay ra’iisul wasaare Boris Johnson.

"Ma ahan mid dhaqan-geli kara," ayaa lagu yiri qoraal Talaadda maanta ah kasoo baxay xeer-beetadda, oo ku doodey in hakinta ay wiiqeyso awooda dastuuriga ah ee xeer-dejinta.

Go'aakan ayaa dharbaaxo kale wuxuu ku noqonayaa ra’iisul wasaare Boris, oo horey guuldarooyin ay kamid yihiin in uu baarlamaanka marin waayey qorshihiisa ka bixintaa Yurub.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, ujeedada uu Boris ka lahaa shaqo joojinta ayaa si uu ugu shaqeeyo qorshihiisa ku ay Midowga Yurub ka baxaan 31-ka October heshiis la'aan.

Balse wax kasta ayaa haatan u muuqda mid cakirnaan horleh lugaha lasii gelaya, iyadda aysan muuqan isu soo dhowaanshio ka kala imaaneysa mucaaradka iyo muxaafadka.

Mucaaradka ayaa olale u wada in heshiis looga baxo Midowga Yurub, halka xukuumadda ay dooneyso taasi bedelkeeda iyo heshiis qabyo, taasi oo lagu diidan yahay.

Barnaamijka ka bixitaanka Midowga Yurub oo dadyowga Ingiriiska ay u coddeeyeen ayaa jahwareer geliyey siyaasadda Ingiriiska, iyadda ay isu casileen laba ra’iisul wasaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM