May oo cambaareysay hadalkii uu Trump ugu gafay Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Hadalhaynta ugu ballaaran ee caalamka oo idil ayaa waxay noqotay hadalo kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka kaasi oo mudaneyaal usoo jeediyey in ay dalkooda hooyo ku laabtan.

Donald Trump ayaa si gaar ah erayadaasi wuxuu ugu beegsaday afar haween oo ka tirsan xeer-dejinta Mareykanka ayna ku jirto Ilhaan Cumar, gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku dhalatay.

Erayada xanafta leh ee kasoo yeeray Donald Trump kuwaasoo lagu sifeeyay "naceyb" ayaa wuxuu ku tilmaamay dalalkaasi ay ku jiro Soomaaliya "kuwa burburay oo hoy u ah dambiyada ".

Ra'iisul Wasaaraha Boqortooyadda Ingiriiska, Theresa May, ayaa erayadaasi ku tilmaamtay "wax aanan la aqbali karin".

"Aragtida ra’iisul wasaaraha ee luqadaasi ku wajahan haweenka, gabi ahaanba waa kuwa aanan la aqbali karin," ayuu yiri afhayeen u hadlay May, Isniinta maanta ah.

Xubnaha uu bartilmaameedsaday Trump oo kusoo baxay doorashadii 2018-kii ayaa inta badan dhaleeceeya siyaasada madaxweynaha wadanka Mareykanka ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.

Xisbiga Dimoqraadiga oo ay xubnahaasi ka tirsan yihiin ayaa sidoo kale aad u dhaliilay Trump, inkasta oo Jamhuuriyiinta ay ka gaabsanayaan xiisadaasi cirka isku sii shareeraysa.

Isqabqabsigan soo ifbaxay ayaa kusoo beegmaya iyadda oo guud ahaan Mareykanka laga dareemayo olalaha doorashada 2020-ka oo uu Trump  calanka u sido xisbigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM