Sacuudi Carabiya oo la dalbaday in la saaro xayiraad dhanka hubka

Image

BRUSSELS, Belgium – Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dalalka xubnaha ka ah wuxuu ka codsaday in ay xayiraad dhanka hubka saaraan Sacuudiga sabab la xiriirta dilkii wariye Jamal Khashoggi iyo dagaalka Yemen.

Mudaneyaasha ayaa dhamaan xubnaha golaha ku booriyey in ay ku daydaan Jarmalka, Finland iyo Denmark, kuwaasoo hakiyey in ay hub ka beeciyaan Sacuudiga kadib khaarijintii saxafigaas caanka ahaa.

Xildhibaanada oo Khamiistii meelmariyey warbixinta dhoofinta hubka ee EU-da ayaa cunaqabateynta Riyadh ku qeexay "talaabo muhiima".

Sidda laga soo xigtay warbixinta, hubka laga iibiyo Sacuudiga, Imaaraadka iyo dowladaha kale ee kula jira dagaalka Yemen waxay u adeegsadaan dalkaas ay ku barakaceen 22 milyan kana jirto xaalad bini'aadanimo.

"Waxaan ku boorineynaa dowladaha kale ee Midowga Yurub in ay si deg-deg ah u qaadaan talaabadaas muhiimka ah si loo baajiyo waxyeelo kale oo soo gaara dadka shacabka," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Bishii October, 2018 ayay ahayd markii Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay Qunsulyada Sacuudiga ee magaalada Turkiga ka tirsan ee Istanbul, halkaasoo meydkiisa lagu jarjaray "si loo daboolo caddeymaha dhan".

Maxkamad ku taala Riyadh ayaa bishaan September waxay xukuno dil toogasho ahaa ka khafiisisay ee eedeysaneyaal magacyadooda aan la baahin kuwaasoo la sheegay in loo maxkamadeeyo, waxayna ku riday xukun xabsi.

Howlgalka lagu dilay saxafigaan u shaqeynayey Washington Post ayaa lasoo wariyey in ay fuliyeen koox ka tirsan sirdoonka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa tan 2014-kii wuxuu ku lug-leeyahay Isbaheysiga Carbeed ee Yemen kula dagaalamaya falaagada ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta, waxaana isku dhacyo inta badan ay waxyeelo kasoo gaaraan rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laba Xildhibaan iyo Xaasaskooda oo Lagu Toogtay dalka Mareykanka

Amar ah “guryaha ku nagaada” ayaa la soo saaray waaberigii hore ee Sabtida si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 05:07PM

Erdogan iyo Bin Salman oo Khadka Taleefanka kaga Wada Hadlay Xiisadda u Dhaxeysa Israel iyo Iran

Erdogan wuxuu si gaar ah u xusay in Israel la joojiyo tahay-na tallaabada keliya ee lagu….

  • Caalamka

    14-06-2025

  • 04:46PM