Midowga Yurub oo ka digay in Caqliga Macmalka ah (AI) loo adeegsan karo hub siyaasadeed

Image

Brussels – Madaxa arrimaha dijitaalka ee Midowga Yurub, Henna Virkkunen, ayaa ka digtay in Caqliga Macmalka ah (AI) uu noqday hub juqraafiyeed oo ay dowladuhu u adeegsan karaan danahooda istiraatiijiga ah. Waxay ku baaqday in Yurub ay si degdeg ah u yareyso ku tiirsanaanta tiknoolojiyadda dibadda.

Virkkunen ayaa sheegtay in dalalka ama shirkadaha gacanta ku haya nidaamyada ugu horumarsan ee Caqliga Macmalka ah ay awood u yeelan karaan inay xaddidaan ama hakiyaan helitaanka tiknoolojiyaddan. Waxay xustay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah ee dalalka kale, isla markaana ay khatar ku tahay madaxbannaanida tiknoolojiyadda.

Digniintan ayaa timid kadib markii Mareykanku uu muddo kooban xaddiday dhoofinta qaar ka mid ah nidaamyada Caqliga Macmalka ah ee ugu horumarsan, ka hor inta uusan dib uga laaban go'aankaas. Sida ay sheegtay Virkkunen, dhacdadaasi waxay muujisay in Caqliga Macmalka ah loo adeegsan karo aalad cadaadis siyaasadeed iyo mid istiraatiiji.

Si loo yareeyo ku tiirsanaanta tiknoolojiyadda shisheeye, Midowga Yurub ayaa bilaabay qorshe lagu xoojinayo madaxbannaanida tiknoolojiyadda.

Qorshahan waxaa ka mid ah maalgelinta shirkadaha AI ee Yurub, ballaarinta xarumaha xogta, horumarinta adeegyada daruuraha (cloud), iyo taageeridda warshadaha soo saara qalabka elektaroonigga ah.

Waxaa socda baaritaanno lagu sameynayo nidaamka Caqliga Macmalka ah (AI) ee shirkadda Meta, kaddib markii ay soo baxeen walaacyo la xiriira jawaabo khaldan iyo bixinta macluumaad aan sax ahayn. Qaar ka mid ah isticmaalayaasha ayaa sheegay in Meta AI ay mararka qaar soo saarto xog aan la hubin ama marin habaabin karta dadka isticmaala.

Garowe Online ayaa hore uga digtay xanibaadaha iyo khatarta ka dhalan karta isticmaalka AI-da [Halkan ka akhri] marka aysan si sax ah u shaqeyn, iyadoo tilmaantay in jawaabaha khaldan ee ay bixiyaan nidaamyadan ay saameyn ku yeelan karaan saxnaanta xogta, warbaahinta iyo fahamka bulshada.

Arrintan ayaa dib u soo cusbooneysiisay doodda ku saabsan baahida loo qabo in shirkadaha tiknoolajiyadda ay xoojiyaan hubinta saxnaanta nidaamyada Caqliga Macmalka ah, si loo yareeyo faafinta xogta khaldan iyo saameynta taban ee ka dhalan karta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Sharaa oo cambaareeyay weerarrada Israel ee ka dhanka ah Suuriya

Hadallada Al-Sharaa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Suuriya iyo Israel uu weli yahay mid xasaasi ah.

  • Caalamka

    23-09-2026

  • 01:31PM

Pentagon oo miiska saaray qorshe lagu dhimayo ciidamada Mareykanka ee Yurub

Tallaabadaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa ciidamo Mareykan ah oo ku kala sugan dalal badan oo NATO ah.

  • Caalamka

    22-09-2026

  • 08:41PM