"Munaafaqiin": Jilaayaal lagu dhaliilay ka hadalka dilka George Floyd

Image

NEW DEHLI, India – Qaar kamid ah atoorayaasha ugu caansan aflaamta Hindiya ayaa lagu sifeeyay "munaafaqiin" kadib markii ay taageereen dibad-baxyadda caalamiga ah ee looga soo horjeedo takoorka dadka qaarkii.

Jilaayaasha oo lagu maadeystay laguna tilmaamay "fuleyaal" ayaa lagu cambaareeyay in aysan ka hadlin weeraradda ka dhanka ah dadka laga tiradda badan yahay ee India gaar ahaan Muslimiinta.

Dhaleeceynta ayay kala kulmeen qoraaladda ay soo bandhigeen baraha bulshadda. Shaqsiyaadka weji gabaxa kala kulmay warbaahinta bulshadda waxaa kamid ah atariishadda caanka ah Priyanka Chopra.

Chopra oo ka falcelisay dilka George Floyd kaasoo ku dhintay gacanta booliska markii sarkaal cadaan ah uu luqantiisa ku qabtay dhulka ayaa ku baaqdey in lasoo afjaro faquuqitaanka dadka madowga ah.

Inkasta oo fariinteeda ay ahayd mid wanaagsan, haddana dadka ku xiran baraheeda bulshadda ayaa xusuusiyey in ay ka hadasho dhibaateynta lagu hayo Muslimiinta iyo dadka laga tirada badan yahay.

Dadka ka falceliyey qoraalkeeda ayaa tibaaxay in Jilaayaasha India ee iska indha-tira xadgudubyadda Muslimiinta iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay India ay isku mashquuliyaan Filim jilid iyo xayeysiis.

Qaar kale ayaa farta ku fiiqay doorka ay ku lahayd filim Hindi ah oo soo baxay 2008-dii, kaas oo ay ku diidey in ay gogol dhaaf kula sameyso nin madow ahaa, talaabadaas oo ay la xiriiriyeen faquuq.

Jilaayaashan ayaanan wali wax jawaab ah ka bixin eedeymaha kaga imaanaya shacabka ee ku aadan in ay ka aamusanaa xaqiiqooyinka ka dhex-jira gudaha waddankooda ayna diiradda saaraa dibadda.

Hindiya oo sidda ku xusan tirokoobkii la sameeyay 2018-kii ay ku nool yihiin 1.353 bilyan oo ruux waxaa tiradda Muslimiinta lagu sheegay 14.2%, taas oo la macno ah in tirro ahaan ay noqoneysa 172 milyan oo ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM