Muslimiinta India oo rafcaan ka qaadanaya go'aankii maxkamadda

Image

NEW DEHLI, India – Laba kamid ah ururada Muslimiinta ugu caansan India ayaa sheegay in ay rafcaan ka qaadan doonan xukunkii u dambeeyay ee ay ridday Maxkamadda Sarre ee dalkaas.

Xukunkaas ayaa waxaa masjidka qadiimiga ah ee Babri loogu wareejiyay Hinduuska oo ah qowmiyada ugu tiradda badan.

Ururada kala ah; All India Muslim Personal Law Board iyo Golaha wadaada India ee Jamiat Ulama-i-Hind ayaa tibaaxay in xukunka xeer-beegtaddu ay ku jiraan "khaladaad aanan u cuntami".

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay kalsooni fiican kaga muujiyeen in ay codsan doonan in dib u eegis lagu sameeyo xukunka oo ay ku qeexeen "shirqool ku talogal ah oo aysan aqbaleyn".

"Waxaan go'aansanay in aan go’aanka dib u eegista gudbino ee dhulka lagu muransan yahay ee Ayodhya, illaa iyo 5-ta December," ayaa lagu yiri warka qoraalka oo warbaahinta aragtay.

Hinduuska ayaa damacsan in ay goobtaas ka hirgeliyaan macbad, halka Muslimiinta doonayaan in ay ka dhisaan Masjid ay Hinduuska burburiyeen 1993-kii kadib rabasho Diimeed.

Rabshadaha ayaa waxa ay galaafteen nolosha tobanaan ruux, kuwaas oo badankooda ahaa Muslimiin.

Go'aanka ay rafcaanka uga qaadanayaan Muslimiinta ayaa aad loosoo dhaweeyay. Balse waxaa calaamad su'aal la gelinayaan hadii ay labinta heli karaan maadaama laga tiro badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM

Emir Qatar iyo Trump oo ka wada hadlay xalinta xiisadda Bariga Dhexe

Waxay sidoo kale ka wada hadleen “taageeridda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka.

  • Caalamka

    11-02-2026

  • 12:39PM