Muuqaalka afhayeenkii Daacish ee la khaarijiyey oo lasoo bandhigay

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Muuqaal-baahiyaha Sacuudiga ee Al Carabiya ayaa soo bandhigay "sawirka" afhayeenkii Daacish ee lagu khaarijiyey duqeyn uu Mareykanka fuliyey waddanka Suuriya.

Abul Hasan al Muhajir ayaa lasoo wariyey geeridiisa maalin kadib dhimashadii Abuubabar Al-Baqdaadi, Amiirkii kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka oo Mareykanku howlgal ku dilay.

Sawirka Al Muhajir ee lasoo bandhigay ayaa u muuqda mid uu xabsi ku jiro, inkasta oo aysan ahayn layaab, haddana lama ogga halka uu ku yaalo jeelkaas.

Al Muhaajir ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu ahaa shaqsigii ugu cad-cadaa in uu bedelo Al-Baqdaadi maadaama uu ahaa gacanyarahiisa iyo shaqsiga labaad ee ugu awooda badnaa ururka ISIL.

Jagadda afhayeenka ayuu dagaalameyaashaas u hayey intii u dhaxeysay 5 December 2016 illaa iyo 27-kii October ee sanadkan 2019-ka.

Sidda laga soo xigtay mukhaabaraadka Ciraaq, Al Muhaajir ayaa ahaa muwaadin Sacuudiyaan ah, kaasoo la xagjireeyay.

Al-Baqdaadi oo lagu tilmaamay ruuxii loogu raadinta badnaa aduunka ayaa isana wuxuu kasoo jeeday Ciraaq.

Daacish oo xaqiijisay dhimashadda aas-aasaheeda ayaa waxay ku dhawaaqday in Abu Ibrahim al Hashimi al-Qurayshi uu noqon doono hogaamiyeyaheeda cusub, wallow aan wali la ahayn muuqaalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM

Rubio: Mareykanka iyo Yurub waa xulafo aan kala maarmin, inkastoo khilaafyo jiraan

Marka la barbar dhigo khudbad hore oo uu isla shirka ka jeediyey Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance sanadkii…

  • Caalamka

    14-02-2026

  • 07:37PM