Muwaadin Mareykan ah oo 16-sano oo xabsi ah loogu xukumay basaasnimo

Image

MOSCOW, Russia – Maxkamad ku taala caasimadda Ruushka ee Moscow ayaa Isniinta maanta ah waxay 16-sano oo xarig ay ku ridday muwaadin Ameerikaan ah oo lagu magacaabo Paul Whelan.

Whelan oo 55-sano jir ah isla markaana lagu waramay in uu ka tirsanaa ciidanka Asluubta Mareykanka ayaa loo maxkamadeeyay dacwado aan tafaasiil laga bixin oo la salka ku haya jaajuusnimo.

Bishii December ee sanadkii 2018-kii ayaa laga soo xiray xaflad aroos oo uu kaga qeybgalay huteel nooca raaxadda ah oo ku yaala magaaladda Moscow. Ciidanka Amniga Federaalka ayaana qabtay.

Xukunsanaha oo sidoo kale haysata baasaboorka dalalka Britain, Ireland iyo Canada ayaa lagu lagu xiray mid kamid ah xabsiyadda ammaankooda aadka loo adkeeyo, si uusan jeelka uga baxsan.

Dhanka kale, qoyskiisa oo kahor inta uusan soo bixin xukunka soo saarey bayaan ayaa sheegay in xariga Whelan uu yahay mid siyaasadeysan isla markaana uu u muuqdo "mid madax-furasho ah".

"Waxay u muuqataa in loo isticmaalayo ganacsiga mustaqbalka ee Raashiyaanka lagu qaban doono Mareykanka," ayay sheegeen qoyska oo ka codsaday Donald Trump in ka shaqeeyo sii deyntiisa.

"Waxaan rajeynaynaa in dowladaha Mareykanka iyo Ruushka ay bilaabi doonan wadahadalo ay kaga arrin-sanayaan siddii loosii deyn lahaa wiilkeena," ayay New York Times kasoo xigatay walaalkiisa.

Ruushka iyo Mareykanka oo xilaaftanka dhanka hogaaminta dunida ah uu ka dhaxeeyo ayaa kala qabsada shaqsiyaad uu midba kan kale ku eedeeyo basaasnimo, kaibna waxay soo taagaan maxkamad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM