Muxuusan ninkan u jarin una dhaqin timahiisa muddo 40-sano ah?

Image
Image

NEW DEHLI, India – Nin ku nool gobolka bariga Hindiya ku yaala ee Bihar ayaa kasoo muuqdey warbaahinta isaga oo aanan timahiisa jarin mayrinna muddo 40-sano ah.

Sakal Dev Tuddu, oo 63-sano jir ah, ayaa sidda ka muuqata sawirro laga soo qaadey isaga oo jiifa iyo mar uu taagan yahay waxay timahiisa la siman yihiin joogiisa.

Saxaafada maxaliga ah ayaa waxay kasoo xigatay ninkan, oo quraafaadka ku qaraabta, in uu qiil ka dhiganayo in mudadaasi uusan u jarin qimahiisa inuu ALLE "soo booqday".

Tafaafulowgan ayaa waxa uu sheegay in Ilaahey "uu u sheegay" isaga in uusan jarin dhaqinna timahiisa "ayna ku duugan tahay awoodo dheeraad ah oo u gaar ah".

Dadka degaanka oo isaga u arka "ruux barakeysan" ayaa waxay daawo uga soo raadiyaan lamaaneyaasha aanan caruurta haysan.

Kolka loo geeyo ayaa waxa uu ku dhabiibaa caado dhaqameed aanan waxba ka jirin oo uu isagu ku sameeyo hoygiisa, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

"Sharaf bay ii tahay in aan heerkan soo gaarsiiyo timaheyga. Waxaan rajeynayaa in aan sidaan kusii socdo. Dadkeygana waan daaweyn doonaa" ayuu ku mayal adeegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM