Muxuusan ninkan u jarin una dhaqin timahiisa muddo 40-sano ah?

Image
Image

NEW DEHLI, India – Nin ku nool gobolka bariga Hindiya ku yaala ee Bihar ayaa kasoo muuqdey warbaahinta isaga oo aanan timahiisa jarin mayrinna muddo 40-sano ah.

Sakal Dev Tuddu, oo 63-sano jir ah, ayaa sidda ka muuqata sawirro laga soo qaadey isaga oo jiifa iyo mar uu taagan yahay waxay timahiisa la siman yihiin joogiisa.

Saxaafada maxaliga ah ayaa waxay kasoo xigatay ninkan, oo quraafaadka ku qaraabta, in uu qiil ka dhiganayo in mudadaasi uusan u jarin qimahiisa inuu ALLE "soo booqday".

Tafaafulowgan ayaa waxa uu sheegay in Ilaahey "uu u sheegay" isaga in uusan jarin dhaqinna timahiisa "ayna ku duugan tahay awoodo dheeraad ah oo u gaar ah".

Dadka degaanka oo isaga u arka "ruux barakeysan" ayaa waxay daawo uga soo raadiyaan lamaaneyaasha aanan caruurta haysan.

Kolka loo geeyo ayaa waxa uu ku dhabiibaa caado dhaqameed aanan waxba ka jirin oo uu isagu ku sameeyo hoygiisa, sidda ay ku warameyso warbaahinta.

"Sharaf bay ii tahay in aan heerkan soo gaarsiiyo timaheyga. Waxaan rajeynayaa in aan sidaan kusii socdo. Dadkeygana waan daaweyn doonaa" ayuu ku mayal adeegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM