New Zealand oo mamnuucaysa qoryaha darandooriga u dhaca

Image

New Zealand ayaa mamnuucaysa dhammaan qoryaha darandooriga u dhaca ee loo adeegsaday weerarkii lagu qaaday Muslimiinta ku cibaadaysanayay masaajidda magaalada Christchurch, sida ay sheegtay Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Shuruucda qoryaha ee dalkaas ayaa miiska saarnaa tan iyo markii Jimcihii hore lagu laayay 50 ruux oo ku sugnaa labo masaajid.

Jacinda ayaa sheegtay in ay rajaynayso in sharciga cusub uu dhaqan galo 11 bisha Abriil.

Dhammaan dadkii ku dhintay labada masaajid ayaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaday sida uu sheegay taliyaha booliiska Mike Bush. Hal nin ayaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah.

Brenton Tarrant oo reer Australia ah oo iskii isugu sheegay in uu caddaanimada ku kalax tagay ayaa la filayaa in dacwado dheeri ah lagu soo oogo.

Sannadkii 2017kii ayuu dalka New Zealand ka helay ruqsadda qoriga lagu haysan karo.

“Bishan Maarso 15keedii taariikhdanada isbadal abidkii jiri doona ayaa ku dhacay, shuruucdanaduna sidaas oo kale ayay isu badali doonaan, ayay tiri Ra’iisulwasaaraha oo weerarkan ku tilmaantay mid argagixiso.

“Iyadoo lix maalmood laga joogo weerarkaas waxaan ku dhawaaqaynaa mamnuucitaanka dhammaan hubka loo qaabeeyay in ay milatarigu adeegsadaan ee magacooda afka qalaad loogu soo gaabiyo (MSSA) iyo kuwo kale oo ka agdhaw oo darandoori u dhici kara.”

“Qaybaha lagu casriyayn karo qoryaha ee loogu badali karo in ay daran doori u dhacaan ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa”

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in dadka hadda haysta hubka la mamnuucay loo ogolaan doono in ay iska soo celiyaan oo dhaqaale loo celiyo.

Ardern waxay sheegtay in dadka loo celin doono inta u dhaysa 1,000 ilaa 200milyan oo doolar. Waxay sheegtay in ay dawladda waajib ku tahay bixiso kharashkaas si loo xaqiijiyo ammaanka bulshada.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM