New Zealand oo mamnuucaysa qoryaha darandooriga u dhaca

Image

New Zealand ayaa mamnuucaysa dhammaan qoryaha darandooriga u dhaca ee loo adeegsaday weerarkii lagu qaaday Muslimiinta ku cibaadaysanayay masaajidda magaalada Christchurch, sida ay sheegtay Ra’iisulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern.

Shuruucda qoryaha ee dalkaas ayaa miiska saarnaa tan iyo markii Jimcihii hore lagu laayay 50 ruux oo ku sugnaa labo masaajid.

Jacinda ayaa sheegtay in ay rajaynayso in sharciga cusub uu dhaqan galo 11 bisha Abriil.

Dhammaan dadkii ku dhintay labada masaajid ayaa hadda si rasmi ah loo aqoonsaday sida uu sheegay taliyaha booliiska Mike Bush. Hal nin ayaa lagu soo oogay hal dacwad oo dil ah.

Brenton Tarrant oo reer Australia ah oo iskii isugu sheegay in uu caddaanimada ku kalax tagay ayaa la filayaa in dacwado dheeri ah lagu soo oogo.

Sannadkii 2017kii ayuu dalka New Zealand ka helay ruqsadda qoriga lagu haysan karo.

“Bishan Maarso 15keedii taariikhdanada isbadal abidkii jiri doona ayaa ku dhacay, shuruucdanaduna sidaas oo kale ayay isu badali doonaan, ayay tiri Ra’iisulwasaaraha oo weerarkan ku tilmaantay mid argagixiso.

“Iyadoo lix maalmood laga joogo weerarkaas waxaan ku dhawaaqaynaa mamnuucitaanka dhammaan hubka loo qaabeeyay in ay milatarigu adeegsadaan ee magacooda afka qalaad loogu soo gaabiyo (MSSA) iyo kuwo kale oo ka agdhaw oo darandoori u dhici kara.”

“Qaybaha lagu casriyayn karo qoryaha ee loogu badali karo in ay daran doori u dhacaan ayaa sidoo kale la mamnuuci doonaa”

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in dadka hadda haysta hubka la mamnuucay loo ogolaan doono in ay iska soo celiyaan oo dhaqaale loo celiyo.

Ardern waxay sheegtay in dadka loo celin doono inta u dhaysa 1,000 ilaa 200milyan oo doolar. Waxay sheegtay in ay dawladda waajib ku tahay bixiso kharashkaas si loo xaqiijiyo ammaanka bulshada.

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM