Nin dad ay caruur ku jiraan ku tooryeeyay dalka Japan

Image
Image
Image

TOKYO, Japan – Nin ayaa ku tooryeeyay ugu yaraan 16 ruux, oo ay ku jiraan caruur, meel ku dhow dibada beer lagu nasto oo taala caasimada Japan ee Tokyo, sida mas'uuliyiinta sheegeen.

Ma cadda wali waxa ka dambeeya weerarkaasi oo dhacay subaxnimadii Talaada, kaasi oo lagu waramayo in lagu dilay hal cunug iyo qof kale oo qaan-gaar ah.

Qof laga shakiyey ayaa lasoo xiray kaasoo lala xiriirinayo dhacdada, taasoo laga soo wariyay magaaladda Kawasaki, oo dhacda cirifka koonfureed ee Tokyo, sida ay sheegayso warbaahinta.

Bileyska oo ka jawaabay weerarka ayaa goobta kasoo helay laba mindi, sidda laga soo xigtay saxaafadda maxaliga ah.

Shaqsiga la tuhunsan yahay ayaa qudhiisa iska mindiyeeyay garabka kahor inta aanan lasoo xirin, sidda ay ku warameyso NHK¸ war-fidiyeen madax banaan oo wadankaasi Aasiya dhaca ku taala.

Afhayeen u hadlay magaaalada ay mashaqadu ka dhacday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in wicitaano ka imaanayey goobtaasi oo u badan kuwa ciyaal iskuul ah ay helayn 7-dii subaxnimo.

Sidda ay qorayaan joornaalada, ninka ayaa ka bilaabay in uu dadka weeraro agagaarka goobta uu baska ku joogsado, oo aan ka fogeyn boosteejada tareenka ee magaaladaasi.

Muuqaalo ayaa muujinaya goobta oo ay soo gaareen gaadiidka gurmadka degdeg ah si ay dhibaneyaasha dhaawcmay ugu qaadaan Isbitaal si loo daaweeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM