Nin xasuuq u geystay Muslimiin ay Soomaali ku jiraan oo la xukumay

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Maxkamad ku taala New Zealand ayaa xukun ah 'cimrigaa haku furto' waxay ku riday nin 51 Muslimiin ah oo ay Soomaali ku jiraan ku dhex-laayey laba Masjid oo ku taala magaalada Christchurch.

Brenton Tarrant, 29-jir Australian ah, ayaa qirtay dambigaas, waxaana lagu soo oogay hal dambi oo ahaa argagixisanimo. Sidoo kale, wuxuu sameeyay qiraal ahaa in uu isku dayey khaarijinta 40 kale oo halkaas ka akdhowaa.

Garsooreyaasha ayaa ficilada uu sameeyay Tarrant, oo aaminsanaa sareynta cadaanimada, waxay ku qeexeen "kuwa ka baxsan bini'aadanimada" isla markaana "naxariis-darro ahaa".

Weerarkaan dhacay bishii Maaj sanadkii 2019-kii ayaa argagax badan ka abuuray aduunka, iyaddoo dilaaga uu Facebook-ga si toos ah uga baahiyey toogashadda.

Tarrant ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee argagixisanimo loogu maxkamadeeyo gudaha New Zealand. Si lamid ah, wuxuu noqonayaa shaqsigii ugu horeeyay ee xukun xabsi daa'in ah garka loo geeliyo dalkaas.

Xukunka lagu riday gacan ku dhiiglahan waxaa u wehliya in uusan waligiis heli doonin cafis uu jeelka kaga baxo, taasoo la macno ah in ay geeri ka saari karto.

Nidaamka cadaaladda New Zealand qeyb kama ahan xukun dil toogasho ah sida wadamo kale oo Galbeedka ah, waana sababta aan loogu xukumin in la geeyo tiirka.

Mucaad Aadan Ibraahim Diiriye ayaa kamid ahaa Soomaalida ku dhimatay falkaas. 4-sano jirkaan wuxuu ahaa qofkii ugu da’da yaraa ee ku naf-waayey xasuuqaas. Aabihii oo maxkamad ka hadlay wuxuu xusay in uu cadaald sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM